Qarax lala eegtay Kolonyo katirsan ciidamada Kenya

Image

KISMAAYO, Jubbaland- Kolonyo katirsan ciidamada dalka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, ayaa weerar lagula eegtay deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

 Qarax oo ahaa mid dhulka lagu aasay ayaa haleelay mid kamid ah kolonyada ciidankaas, waxaana lasoo sheegayaa inay ka dhasheen khasaaro kala duwan oo aan ilaa hadda la xaqiijin karin inta uu gaarsiisanyahay. 

Weerarka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Haawina oo ku yaalla duleedka Dhoobley. Saraakiil katirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in weerarku jiro balse ay dib kasoo sheegi doonaan inta uu le'egyahay. Dhinaca ciidamada Kenya kama aysan hadlin. Lama garanayo halka ciidamadan ku jihaysnaayeen. 

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxaas, kadib markii ay ku qoreen barahooda internetka inay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada Kenya. 

Waa qaraxii labaad oo todobaadkan gobolkaas lagula eegto ciidamo ka howlgala Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM