Qarax lala eegtay Maareeyaha Dekadda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Washington, ayaa Saakay ka badbaadey qarax miino oo gaari uu la socday lagula eegtay degmada Cabdi Casiis ee Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga Isbitaal Laansareeti.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha, waxaana goobjoogiyaasha ay sheegeen in qaar kamida askarta ilaalada u ah Maareeyaha ay ku dhaawacmeen, islamarkaana ay jirto dhimasho, balse tirada aan la ogeyn.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, oo noqonaya midkii labaad oo Muqdisho ka dhacay tan iyo xalay, waxaana muuqatada in hay'adaha amaanka ay ka jeesteen waajibaadkooda sugida amniga.

Al-Shabaab ayaa ka faa'ideysanaysa xiliga kala guurka, waxayna kordhisay weerarada, si ay u carqaladeyso doorashooyinka soo socda, oo khilaaf oo ka jiro, islamarkaana laga cabsi qabo inay dib uga dhacaan waqtigii lagu balamay, oo ah December 2020.

Mucaaradka ayaa aaminsan in Farmaajo uu doonayo mudo korarsi, iyadoo dhawaan soo saarey war-murtiyeed ay ku sheegeen inay qaban doonaan doorasho haddii aysan dowladda bedelin xubnaha gudiyadda doorashooyinka lagu soo daray ee katirsan NISA iyo shaqalaha rayida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM