Qarax miino oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino ayaa subaxnimadii Khamiista maanta ah wuxuu ka dhacay wadada isku xirta isgoysyadda Tarbuunka iyo KM4, degmadda Hodan ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidda ay Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal, qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay nawaaxiga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim.

Goobjoogeyaasha ayaa intaas ku daray in xilliga uu qaraxu dhacayey ay goobta marayeen gaadiid ciidan oo galbinayey baabuur nooca aan xabadda karin ee Bullet-proofka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha weerarkan lagu tuhmayo maleyshiyadda gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacidda.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin falkaas.

Habeenimadii Talaadada ayay ahayd markii isgoyska Afasiyooni ee degmadda Waaberi uu qarax kaga badbaadey afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodisho.

Falalka liddiga ku ah nabad-gelyada ee kusoo badanaya magaala madaxda ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka isku diyaarinayo doorashooyin xasaasi ah isla markaana wali is-mari-waa uu ka taagan yahay

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM