Qarax xoogan oo markale ka dhacey agagaarka xarunta hay'adda UNDP Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax culus oo khasaaro geestay, ayaa ka dhacay saakay oo Arbaco ah gudaha magaalada Muqdishu ee caasumdda dalka Soomaaliya.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay GO Qaraxa, oo uu sheegay inuu ahaa mid lagu xiray Gaari nooca Toyota Hilux kaasi oo ku qarxay gudaha Garaasha ay baabuurta dhigato Hay'adda UNDP oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

Wararka ayaa sheegay in ugu yaraan 3 qof oo labo kamid ah Ilaalada UNDP ah ay ku dhaawacmeen Qaraxa, kaasi oo ahaa mi xoog badan oo burbur gaarsiiyay Garaashka UNDP-da iyo Guryaha ku dhaw.

Gaariga ayaa Qaraxa loogu soo xiray Dibada Garaashka, waxaana  lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo Shaqaalaha Hay'adda UPDP ee ka howlgalo Muqdishu, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska ee tagey Goobta. 

Waxa uu Garaashka ku yaallaa Dhabarka dambe ee Jazeera Palace Hotel, oo wax ka yar 200 oo Tallaabo u jira Garoonka Diyaaradaha Muqdishu. 

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa maanta. 

Saraakiisha Hay'adda UNDP kama aysan hadlin Qaraxa.

Labo maalmood kahor, ayaa labo qarax waxay ka kala dhaceen afaafka Garoonka Diyaaradaha Muqdishu, kuwaasoo  loo adeegsaday labo gaari oo walxaha qarxa lagu soo xiray, waxaana ku dhimatay ugu yaraan 10 ruux shacab u badnaa. 

Dhimashada qaraxaas ayaa korortey kadib markii labo Ruux oo midna Rag yahay mid kalena dumar yahay laga heley burburkii dhismayaasha.

Muqdishu waxaa kusoo kordhaya Qaraxayada, xilli doorashada Gudoonka Barlamanada iyo Madaxweynaha Somalia soo dhowaaneyso waxaana muuqda in ciidamada amniga aysan heleyn xoggo ay kaga hortagyaaan Qaraxyada ka dhacaya goobaha muhiimka ah.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM