Soomaaliya: Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa caawa fiidkii waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Qof Goobjooge ah ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga Xero ciidamada Militariga Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Deyniile, ee gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qarax uu ahaa, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan inuu ahaa Gaari walxaha qarax lagu soo xiray, oo lagu weeraray Xerada Bangalo oo ay degan yihiin Guutada 4aad ee Ciidamada xoogga dalka.

Jugta qaraxan oo laga maqlay qeyboo badan oo kamid ah Caasimadda ayaan lagu soo waramayaa inuu geestay khasaaro, inkastoo aan tirada dhimashada iyo dhaawaca ah aan la xaqiijin wali.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha maamulka degmada Deyniile, oo ku saabsan qaraxa, mana jirto cid mas'uuliyadda sheegatay.

Wixii kuso kordha qaraxa, kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM