Ciidamada Dowladda oo fashiliyay Qarax Gaari [Fahfaahin + Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Fahfaahin ayaa kasoo baxaysa qarax la fashiliyay, oo galabta ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama, ee magaalada Muqdishu, kaasi oo loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan, ayaa ka dhashay Gaari nooca SURF, oo la dhigay Wadada dhinaceeda, gaar ahaan afaafka hore ee Hotel Mubaarak, oo ku yaalla kasoo horjeedka Garaashka Xaaji Baasto.

Dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa ayaa ku wargeliyay Ciidamada amniga Gaarigan markii ay ka shakiyeen, maadaama aysan jirin cid la socotay. Wararka ayaa intaas ku daraya in baabuurkaas uu  wadada yaallay mudo saacado ah.

Gaari ayaa qarxay markii Ciidamada ay goobta xireen, qorshahaas oo la aaminsanyahay inuu yareeyay khasaaraha shacabka.

Inta la xaqiijiyay Labo qof, ayaa ku dhaawacmey qaraxa, kuwaasi oo la dhigay Isbitaal goobta ka dhawaa sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Boolisa Somalia.

Goobo Ganacsiga oo wadada dhinaceeda ku yaallay ayaa sidoo kale soo gaarey Burbur xooggan.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse Al shabaab ayaa mudooyinkii dambe dhowr weerar ka fulisay Wadada Makka Al-Mukarama, oo ah wado si joogta ah u isticmaalaan Madaxda dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM