Qaraxii Zoobe: Meydad horleh oo laga soo saarey burburka hoostiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha gurmadka deg dega, ayaa sheegay in meydadka afar ruux ay kasoo saareen burburka hoostiisa, iyadoo wali uu socdo baadi-goobka dad loo maleynayo inay ku hoos jiraan dhismooyinkii ku burburay qaraxii Zoobe.

qof nool oo mudo ku hoos jiray burburka hoostiisa ayaa lasoo saarey, waxaana la dhigay Isbitaal si looga daweeyo dhaawacyo kala duwan oo kasoo gaarey qaraxa.

Isgoyska Zoobe ayaa wali xiran, oo ka socdaan howlgallo baadi-goob ah, iyadoo Tirada dhimashada weerarka ay hadda marayso 300, iyadoo boqolaal kale ay dhaawac yihiin.

Waxaa lagu aasy qabuuro ku yaalla Muqdisho meydadka 165 qof, oo la aqoonsan waayay kadib markii jirkooda si aad ah u gubtay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaylo dhaan u dirtay dalalka ay saaxiibada yihiin, balse waxaa kasoo jawaabaya oo kaliya Turkiga, oo saaka diyaarad siday daawooyin iyo dhaqaatiir kasoo dejisay Garoonka Aadan Cadda.

Sidoo kale, Diyaaradaasi oo ahayd mid military waxay u qaadey dalka Turkiga dhaawacyada in ka badan 30 qof, oo xaaladooda ay aad u liidato, islamarkaana dalka wax looga qaban waayay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii bishan, kaais oo noqday midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay Soomaaliya inta la ogyahay Taariikhda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM