​Qaraxyo AMISOM lagula eegtay duleedka Mahadaay

Image

MAHADAY, Somalia- Labo qarax ayaa Kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM lagula eegtay maanta duleedka Degmada Mahadaay, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka ayaa sheegayo in Ciidamada AMISOM la weeraray xilli ay kasoo  ambabaxeen deegaanka Biya Cadde, kuna sii jeedey Tuulooyinka Ceelbaraf iyo Miirtaqwo oo ku dhaw Mahadaay.

Gaadiidka AMISOM ayaa la kulmey qaraxyo Miinooyin ah, oo lagu aasay wadada xiriirisa Miirtaqwo iyo Biya Cadde, waxaana Al shabaab ay sheegtay inay ka gubtay mid kamid ah Baabuurta Gaashaaman.

Ciidamado u dhashay dalka Burundi ayaa la socday Kolonyada Gaadiidka ee la weeraray, sida ay dadka deegaanka qaar ay u xaqiijiyeen Warqabadka Warsidaha Garowe Online, ee Magaalada Muqdishu.

Waa weerarkii labaad, oo mudo 24-saac ah lagu qaado Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Shabelleeha dhexe, halkaasi oo uu ka socdo Guluf dagaal oo ka dhan ah Kooxda xiriirka la leh Al Qaeda.

AMISOM kama aysan hadlin wali weerarada dhowrka ah ee lagula eegtay ciidankeeda Shabeellaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM