Qaraxyo culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo culus ayaa goordhaw laga maqlay nawaaxiga aqalka madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qeybo kamid ah magaalada.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxyada uu ka dhacay agagaarka Beerta Nabada oo u dhow Hotelka SYL ee Muqdisho, waxaana xigay rasaas xooggan oo wali socota.

Wararak ayaa intaasi ku daraya in qarax labaad laga maqlay Isgoyska Ceel-Gaabta, oo kamid ah meelaha laga ilaaliya amaanka Villa Soomaaliya, kaasi oo lala beegsaday Koonatroolka Ciidamada ay ka joogaan Beerta Nabadda.

Lama oga khasaaraha qaraxyada oo kusoo beegmaya xilli maalmo kahor weerar qarax iyo mid toos ah isagu jiray lagu qaadey xarunta Otto Otto oo kasoo horjeeda dhisamaha Baarlamaanka, halkaasi oo ay degan yihiin Wasaaradaha amniga iyo gudaha.

Fahfaahin filo goordhaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM