Qaraxyo laga maqlay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo culus ayaa laga maqlay duhurnimadii maanta oo Khamiis ah gudaha magaalada Muqdisho, kadib markii tiro hoobiyaal ah ay ku dhaceen xaafaddo katirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhigleey ee gobolka Banaadir.

Illaa 6 Hoobiye-yaal ah ayaa ku dhacay nawaaxiga Stadium Muqdisho, oo ay degan yihiin Ciidamada AMISOM, Isgoyska Baar Ayaan iyo Xaafaddo ku dhaw, iyadoo ay geesteen khasaarooyin kala duwan, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen Goob-joogiyaal.

Inta la xaqiijiyay 7 qof oo shacab ah, oo caruur ay ku jiraan ayaa ku dhaawacmay hoobiye ku habsaday Makhaayado ku yaalla Isgoyska Baar Ayaan, kuwaasi oo la dhigay Isbtaallo kuu yaalla magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Amaanka dowladda Federaalka ayaa sheegay inay baarayaan halka laga soo tuurey Hoobiyaasha maanta lagu garaacay qeybo kamid ah Caasimadda, oo 6 maalmood kahor ay ka dhaceen qaraxyo ay ku dhimatay ugu yaraan 45 qof.

Hoobiyaashan iyo kuwii ka horeeyay ayaa la rumaysan yahay in isla gudaha Muqdisho laga soo tuurayo, waxaana illaa hadda dowladda awoodi waysay inay kahor tagto weeraradan maadaama ay maamusho guud ahaan magaalada.

Al-Shabaab ayaa wixii ka dambeeyay magacaabista Taliye-yaasha NISA iyo Booliska kordhisay weerarada Muqdisho oo aan ka dhicin qarax islamarkaana ahayd mid xasiloon mudadii afarta bilood ee hogaan la'aan ahaayeen Hay'adaha amniga.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM