Qaraxyo xooggan oo ka dhacay Hotel Saxafi Muqdishu

Image

01 Novermber, 2015(GO)-Wararka saaka ka imaanaya magalada Muqdishu ee xarunta Somalia, ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan lala eegtay Hotel Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM-4.

Weeraro is xig-xigay ayaa goobta ka dhacay, waxaana sheegtay ururka Al-Shabaab oo qoraal soo dhigtay baraha Internet-ka, waxayna ahaayeen kuwa loo adeegsaday gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay.

Malayshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay Hotelka, waxaana socday is rasaasayn u dhaxaysa kooxdaasi iyo ilaalada Hotel Saxafi.

Inta la hubo shan qof ayaa ku dhintay, waxaana jira dhaawacyo aan la xaqiijin tiradooda, waxaana ka mid ah sida warar hordhaca sheegayaan mulkiilaha Hotelka iyo Sawir qaade ka tirsanaa TV-ga Al-Jazeera.

Laamaha amniga ayaa tagay goobta falkaasi ka dhacay, waxaana Al-Shabaab sheegeen inay gacanta ku hayaan Saxafi Hotel, balse saraakiisha amniga dowladda Federaalka Somalia ayaa ka gaabsadaan.

Hotelka, waxaa inta badan ku shaaha isla markaana dagan xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo beegsaday Hotelkan oo ku yaalla meel mashquul ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM