Soo celinta ciidamadda lagu tababaray Eritrea oo bilaabatay

Image
Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in cutubyadan ay ku biiri doonan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka difaaca Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in Muqdisho ay soo gaareen qeybtii ugu horeysay ciidamadda lagu tababaray Eritrea.

Cutubyadan ayuu ka dhawaajiyey in ay ku biiri doonan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka soconaya gobolada dalka gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan xaqiijiyey in bilaha December iyo Janaayo ay soo noqon doonan askartan.

Isaga oo la hadlaya qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, Xasan ayaa intaas kusii daray in bisha Janaayo sanadka 2023 ay dhameystirmi doonto soo celinta ciidamaddan.

"Waa diyaar arrintaas. Marka dib-u-dhac dambe ma rajeynayno. Wax kasta waa noo waxaysan yihiin," ayuu sii raaciyey Xasan oo aan tafaasiil ka bixin caqabadihii hore u jiray ee la xaliyey.

Sidda lagu sheegay warbixino kala duwan, ciidamadda lagu tababaray Eritrea oo ka kooban milatar, kumaandoos, badda iyo juquraafiga ayaa tiradoodu waxay ka badan tahay shan kun.

Bishii September ee sanadkan 2022, madaxwayne Xasan Sheekh oo booqasho ku joogay Washington DC ayaa ka codsadey Mareykanka in uu maalgeliyo dadaaladda dib loogu soo celinayo ciidamaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya oo booqasho lama-filaan ah ku tegay Muqdisho

Socdaalkan ayaa yimid maalmo yar ka dib markii Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, uu dalkiisa ku martigaliyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 08:35AM

Siyaasiyiin xiriir la leh Qatar oo soo dhoweeyey go’aanka DF Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta

Xilligii uu xilka hayey Madaxweyne Farmaajo, xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta….

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 05:50AM