​Qof ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Hal qof ayaa dhaawacmay kadib qarax  ka dhacay degmada Shibis ee gobolka Banaadir sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka maamulka gobolka Cabdifataax Cumar Xalane.

Weerarkaas ayaa ahaa mid ka dhashay miino lagu xiray gaari uu watay ruux shacab ah oo lagu magacaabo Mustafe Jaylaani Abu Sheekh.

Dhaawac xoog leh ayaa kasoo gaaray qaraxaas, waxaana loo qaaday mid kamid ah goobaha caafimaadka Muqdishu.

Sawirro lagasoo qaaday weerarkaas ayaa muujinaya miinada oo la kacday kursiga darawalka.

Kooxda Al Shabaab kama aysan hadlin qaraxaas oo kusoo aaday xilli la xiray waddooyinka muhiimka ah ee caasumadda dalka Somalia.

Majirto koox sheegatay, balse Afhayeen gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay kooxda Al Shabaab, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa mid lagu khal-khal galinayo amniga caasumadda Somalia.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli ay socoto khudbadaha murashaxiintu ka jeedinayaan hoolka golaha Barlamanka Somalia.

Amniga Muqdishu ayaa noqday mid aan la isku hallayn karin, waxaana soo badanayay muddooyinkii dambe weerarada Shabaab ka fulinayaan caasumadda dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM