Qof ku dhintey miino lagu xiray gaari

Image

15 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Muqdisho lagu diley qof shacab ah ka dib markii miino loogu xirey gaari uu watay.

Ninka dhintay ayaa ahaa Injineer u shaqaynayay dowladda Somalia, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha degmada Xamar jajab oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Qaraxa lagu dilay Injineerka oo lagu magacaabi jiray Siidoow Cali Cusman ayaa ka dhacay meel u dhaw gurigiisa oo ku yaalla degmada Xamar Jajab.

Isla goobta ayuu ku geeriyooday, waxaana goob jooge la hadlay Garowe Online uu sheegay in qaraxa loo malaynayo mid horay loogu sii xiray gaariga uu watay.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa goobta gaaray, waxaana socda baritaanno ku aaddan sida wax u dheceen.

Ma jiraan cid kale oo wax ku noqotay sida uu sheegay Axmed Cismaan Dhoorre Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab, balse qaar ka mid ah dadkii ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya inuu jiro dhawaca hal qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM