Qofkii ka dambeeyey qaraxa Daalo oo la aqoonsadey

Image

NAIROBI, KENYA- Baarayaasha Somalida iyo kuwa caalamiga ah ayaa xaqiijiyey maanta oo Jimce ah 5 Feb,2016 in qarax ismiidaamin ah lala beegsadey diyaarada Daalo.

Qofka isku qarxiyey diyaaradaan ayaa baarayashu sheegeen inuu ahaa mid iska dhigey dadka rakaabka ah ee diyaarada islamarkaana lagu wadey kuraasta loogu talagaley dadka curyaamiinta ah ama xanuunsan.

Maalinamada Jimacaha, warar soo baxey ayaa sheegaya in baarayaasha caalamiga ah iyo kuwa Somalida ka heleen raadka maadada loo yaqaan TNT qofkii maydkiisa laga heley agagaarka degmada Balcad, kaasoo ahaa midka kaliya oo ku dhintey qaraxaan.

Dowlada Somalia ayaa bilowgii qaraxaan sheegtey inuu ahaa mid farsamo. Wasaarada duulista Somalia ayaa qoraal kasoo baxey ku xustey iney baaris kawado sababta keentey qaraxaan. Xeel dheerayaal caalami ah ayaa gacan ka gaystey baaristaan kuwasoo hogaaminayeen dad u dhashey dalka Mareykanka.

Dowlada ayaa sheegtey in qofka is-qaxiyey magaciisa uu ahaa Cabdulahu Cabdisalam Borle oo 55 Jir ah kana soo jeedey Somaliland.

"Isticmaalka kursiga curyaamiinta ayaa sababtey inuu ka baxsado baarista garoonka diyaardaha Somalia" sidaas waxaa yiri khubarada baareysa sida waraxaan ku dhacey.

U maleynta qofkaan inuu is-qarxiyey ayaa ka dhigeysa in falkaan ka dambeeyeen ururka Al-shabaab kuwasoo weeraro ku  qaada ciidamada Amisom iyo goobaha kale ee shacabka Somalida isugu yimaadaan.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM