Qoorqoor iyo Laftagareen oo ka degay Muqdisho xilli xiisad jirto

Image
Warar ayaa sheegaya in ay ku biirayaan dedaalada la isugu soo jiidayo Rooble iyo Farmaajo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Laftagareen iyo Qoorqoor, ayaa maanta ka degay caasimada Soomaaliya ee magaala madaxda Muqdisho.

Socdaalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay kiiska sarkaalada ka tirsaneyd hay'adda NISA, Ikraan Tahliil Faarax, ay cirka isku sii shareertay.

Wararka laga helayo illo wareedyo madax-banaan ayaa intaas ku daraya in Qoorqoor iyo Laftagareen ay ka qeyb-qaadanayaan dedaaladda qaboojinta xasaradan.

Laftagareen ayaa kasoo laabtey dalka Turkiga. Bayaan kooban oo kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ka dib Safar Maalmo qaatay oo ugu Maqnaa Dalka Walaalaha-nahay ee Turkiga".

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan socdaalkan oo illaa haatan kasoo baxay xafiisyada warfaafinta Qoorqoor iyo Laftagareen. Isku-dayo Garowe Online sameeyay ayaan guuleysan.

Hogaanka dalka ayaa isku khilaafay qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan. Hay'adda sirdoonka waxay sheegtey in Ikraan ay dishay Al-Shabaab balse qoyskeedu kuma qancin.

Khilaafka madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble wuxuu qarxay markii wasiirka koowaad uu amray in si daahfuran loo baaro qadiyaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM