Qoorqoor oo Al-Shabaab ku eedeeyay "hurinta colaad beeleedyada"

Image
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku booriyey "qabiilada in ay u midoobaan la dirirka argagixisada".

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa daah furay Shirwaynaha Guud ee Dib -U-Heshiisiinta Reer Galmudug, kaas oo shalay ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta dowladda Galmudug.

Kulankan ayaa hordhac u'ah goglo dib-u-heshiisiineed oo la dhigayo degmooyinka Galinsoor iyo Balanbal kuwaas oo lagu heshiisiinayo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanada Galmudug.

Qoorqoor ayaa ugu baaqay in ay heshiis dhab ah qaataan beelaha dirirtu dhaxmartay, isagoona xusay "in argagixisadu ay ka faa'iideesanayso dagaal beeleedyada si ay u dhexmarsadaan danahooda gurracan".

"Sidaas darteedna waa in ay heshiiyaan beelaha, una heshiiyaan argagixisada sida haatanba degmooyinka qaar ee Galmudug ay uga socdaan dadaalada xoogan ee kadhanka ah argagixisada," ayuu xusay.

Dhanka kale, madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, in si degdeg ah ay u dhigaan gogosha degmooyinka Balanbal iyo Galinsoor si loo sii anba qaado ka shaqeynta nabadda.

Galmudug ayaa kamid ah goobaha ay ka bilowdeen ololaha ay dadka shacabka ah hogaaminayaan ee lagula dagaalamayo maleyshiyadda Al-Shabaab isla markaana ay dowladda federaalka si weyn u taageereyso.

Isniinta maanta ah, wafdi ay hogaaminayaan wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa gaarey magaaladda Cadaado si ay u dardargeliyaan "kacdoonka shacabka," sidda ay qortey warbaahinta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM