Qoorqoor oo guddi magacaabay xilli ay Galmudug ka jirto xiisad

Image
Kala qeybsnaanta siyaasadeed ayaa ka dambeysay markii Ahlu Sunna ay qabsatay magaalada Guriceel.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor], ayaa wuxuu magacaabay guddi la sheegay in uu ka shaqeynayo daadejinta adeega dowladaha hoose.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Markuu Arkay: Qodobka 50aad farqaddiisa 5aad, ee Dastuurka Galmudug;

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in lamagacaabo Guddiga Daadejinta

Adeegga Dowladaha Hoose,

Markuu tixgaliyey: Aqoonta iyo khibradda ay leeyihiin Daadeiinta Dowladaha hoose,

Markuu latashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda GM,

Madaxweynuhu wuxuu Magacaabay Guddiga Hoos Ku Xusan, waxaana hogaamin doona Madaxweyne kuxigeenka DGM, Mudane, Cali Dahir Ciid.

Qodobka 1aad.

1.Axmed Xasan Cali Wasiiru Dowlaha W. Arimaha Gudaha (Gud. Kuxigen)

2.Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

3.Maxamed Xaashi Dhoore Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

4.Cabdiwali C/llahi Jaamac Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

5.Cabdinasir Geelle Cilmi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta

6.Maxamuud Cabdi Axmed 'Kaarshe' Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta

7.Axmed Casir Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska

8.Siciid Siyaad Shirwac Wasiirka Wasaaradda Bayada

10.Yaxye Xasan Xiish Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha

11. Ubax Xuseen Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Haweenka yo Xuquuqda Aadanaha

Qodobka 2aad.

1. Waxaa lafarayaa dhammaan hay'adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan Guddigan si ay u gutaan

waajibaadkooda shago.

Qodobka 3aad.

1. Xeerkan wuxuu dhagan galayaa marka uu saxiiixo Madaxweynaha waana saxiixay.


Magacaabidan ayaa kusoo hagaagaysa xilli Galmudug ay wajaheyso xiisado iyo kala qeybsanaan siyaasadeed taasoo ka dhalatay markii Ahlu Sunna ay qabsatay Guriceel ayna fashilmeen dedaalo xal doon ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM