Qorshe Rooble la tagey magaalada Garowe oo shaqeyn waayey

Image

GAROWE, Puntland- Kadib markii wafdi uu hogaaminayo Ra'isal Wasaare Rooble booqasho ku tageen magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan waxaa fashilmey wadahal laga yeeshey xaalada doorashada Somaaliya.

Wararka aya xusaya in Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani diidey qorshe hordhac ah oo uu RW Rooble kaga codsadey in Puntland soo magacawdo Guddiga doorashooyinka ismarkanaa Muqdisho loo soo diro kadibna la wada hadlo, wixii khaldana la saxo markaas kadib.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu shuruud ku xiray magacaabida Guddiga, isla markaana dalbaday in la xaliyo arrinta Gobolka Gedo iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada ee muranku ka taagan yahay. 

Ra'isul Wasaare Rooble ayaa ku adkeystey sida xogtaan tilmaameyso in marka hore la fuliyo shirkii Muqdisho wixii lagu heshiiyay, arrinta Gedo-na shir gaar ah looga hadlo.

Lama oga sababta Ra'isal Wasaare Rooble uga soo hormarinayo in guddiyada doorashada la soo magacaabo iyada weli aan la xalin qodobada la isku hayo. 

Waxaa la filayaa sida ka soo baxdey kulankii dhowaan Muqdisho ku yeesheen dowlada Federaalka, beesha caalamka iyo maamulada in kulan degdeg ah laga yeesho xalinta khilaafaadka taagan. 

Kulankaas lagu dhawaaqey oo aan weli la mudeyn ayaa sababi kara in doorashooyinka Soomaaliya dib uga dhacaan waqtigii loogu talagalay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM