Qorshe Soomaaliya loogu daabacayo lacag cusub oo laga hadlay

Image
Maamulkii Farmaajo ayaa ku guuldareystay fulinta mashruucan uu dhowr jeer ka hadlay. [Photo: Abdirahman Adani/Garowe Online]

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya oo hadal ka jeediyey shirka dhaqaalaha qaranka ayaa soo hadal qaaday qorshaha dowladda cusub ee dib u sameynta lacagta shilin Soomaaliga ah.

Agaasime Maxamed Amiin ayaa sheegay in qorshayaasha dhaqaale ee dawladda Soomaaliya ay ka mid tahay in dhowaan lasoo daabaco lacagta shilin Soomaaliga ah oo hadda sii idlaaneysa.

“Waxaa qorshaha ka mid ah in la sameeyo lacag shilin Soomaali ah, oo aan rajeynayo runtii in ay noqoto mustaqbalka mid dalkaan iyo dadkaan dhaqaalihiisa wax badan ka bedesha, waana miisaanka lagu cabiro dhaqaalaha dal walba uu leeyahay,” ayuu yiri.

Lacagta shilin Soomaaliga ayaa ah mid ka sii dabar go’eysa wadanka oo dhan, iyadoo gabi ahaan ka joogsatay gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland.

Maxamed Amiin ayaa sheegay in siyaasadda dowladda ay xoog badan saari doonto arrimaha dhaqaalaha, iyadoo la samey doono guddi maaliyadeed oo si dhow uga shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo daabacaada lacag cusub.

Shaqo abuurka ayuu sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dowladaan, sidoo kale wax soo saarka iyo kobcinta daqliga ka soo xarooda gudaha dalka, ayuu sheegay inay xoogga saari doonto dowladaan cusub.

Maamulkii hore ee Farmaajo ayaa sheegay in uu soo daabici doono lacag shilin Soomaali ah balse majirin wax horumar ah oo laga sameeyay. Soomaaliya lacagta ugu badan ee hada laga isticmaalo waa lacagta danabaysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM