Qorshihii Farmaajo la tegay shirka IGAD ee dhicisoobay

Image

DJABUUTI, Jabuuti – Isku dayo dowlada Soomaaliya ku dooneysay in Urur Goboleedka IGAD uu Kenya ku canaanto shirkii Jabuuti ayaa dharbaaxo la kulmay, sidda Talaadada maanta ah uu wariyey wargeyska maxalliga ah ee Daily Star.

Sidda laga soo xigtay warbixinta jariiradda, madaxweyne Farmaajo ayaa dalbadey in ajendaha shirka guud lagu garo muranka Soomaaliya iyo Kenya. Balse bayaankii laga soo saarey kulanka ayaan lagu soo hadal-qaadin is-qabqabsigaas.

Is-mari-waaga Muqdisho iyo Nairobi ayaa ku gaarey IGAD qoraal ay dirtay Soomaaliya oo xiriirka Kenya u soo afjartay eedeymo la xiriira faragelin arrimaha gudaha iyo ku xadgudubka madax-banaanida wadanka.

Cismaan Dubbe, wasiirka warfaafinta oo shaaciyey go'aanka Soomaaliya xiriirka ugu jartey Kenya, ayaa sheegay in diblumaasiyiinta ka jooga Nairobi ay kusoo guurayaan todoba casho, kuwa Kenyana la siiyey tiradaas.

Go'aankaa wuxuu yimid markii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu 13-kii December ku tegay Nairobi socdaal saddex casho lana kulmay maalintii xigtay hogaamiyaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Kenyatta.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii sheegata in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale balse waxay wali goobeysaa aqoonsi iyadda oo dunida u aragto maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo warqad cabasho ah u diray shir-guddoonka Kenya ayaa sheegay in Kenya ay hubeyneyso isla markaana abaabuleyso jabhado "xasilooni darro ka hurisa gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo".

Markii la isugu tegay shirka Jabuuti, hogaamiyeyaasha Urur Goboleedka IGAD ayaa u soo jeediyey wafdiga Soomaaliya in diiradda la saaro jadwalka doorashooyinka, dib-u-heshiisiinta iyo ammaanka wadanka.

Sidda ku xusan warbixinta, Soomaaliya ayaa codsatay in guddi gaar ah loo saaro arrimaha la xiriira xiisadda xuduudka iyadda oo IGAD dhexdhexaad noqoneyso isla markaana xurgufta taagan lagu dhameeyo hab diblumaasiyad.

Markii aroornimadii Axada ay shir laba geesood ah qaateen hogaamiyeyaasha qaar, Farmaajo iyo Uhuru ayaa kasoo muuqdey fadhi u muuqdey mid ay ugu kala dab-qaadayeen madaxda wadamadda Jabuuti iyo Itoobiya.

Midowga Afrika oo walaac ka muujiyey xiisadda labada waddan ayaa ugu baaqay IGAD in ay dhex-gasho dalalka deriska ah isla markaana ay ku dhiirageliso in ay wada-xaajood kusoo gabagabeeyaan arrimaha ay isku hayaan.

Telefishinka Al-Jazeera ayaa tabiyey in kulamada laba geesoodka ah ay hogaamiyeyaasha ku heshiiyeen in Soomaaliya iyo Kenya ay soo celiyaan xiriirkooda kana fogaadaan eedeymaha iyo hadalada xanafta ee la isku mariyo warbaahinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM