​Queen Elisabeth II oo xaflad loogu qabtay Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka iyo mas'uuliyiin katirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu xusayay dhalashada boqoradda Ingiriiska Queen Elisabeth II.

Xuskaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya, ayaa laga soo jeediyay taariikhda boqoradda dalkaasi, waxaana loo diray hambalyo ku aadan waqtigii ay dhalatay, waxaana soo qaban qaabiyay safiirka Britain u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, oo khudbad kooban ka jeediyay xuskaasi ayaa hambalyo u diray Queen Elisabeth II, wuxuuna dalkaasi ku ammaanay doorka ay ka qaateen hormarinta Soomaaliya iyo dib u dhiska hadda socda.

Qabashada xuskan ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe magalada Muqdishu kusoo badanayeen munasaabadaha ay ku dhigayaan waddamada safiirradoodu ka howl galaan caasumadda Soomaaliya, waxaana xaflad sidaan oo kale ah Ra'isal wasaare Cumar kala qayb galay mas'uuliyiin katirsan dowladda Ethiopia kuwaas oo u dabaal dagayay maalinta midowga qowmiyadaha waddankaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM