Ra'iisul Wasaaraha oo u yeeray gudiga dhismaha Maamulka K. Galbeed

Image

November 2, 2014 (GO)- Gudiga Dowlada Federaalku u xil saartay dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu amray inay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu soo  laabtaan magaalada Muqdisho.

Amarka oo si toos ah uga soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed , waxaa lagu sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay sidii looga tashan lahaa caqabado dhowr ah oo hortaagan dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale qoraalkiisa ku xusay inta laga xalinayo khilaafka jira inaan wax talaabo ah loo qaadi karin dhameystirka dastuurka uu yeelanayo maamulkaasi  iyo weliba doorashada madaxda hogaamin doonta haseyeeshe kulamada wadatashigu Baydhabo kasii socon doonaan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa soo dhoweeyey go'aanka Ra'iisul Wasaaraha isagoo xusay inuu yahay mid ka turjumaya sida ay xukuumadda federaalku horseed uga tahay in maamulka Baydhabo lagu dhisayaa noqdo mid loo dhan yahay oo qaab dastuurka waafaqsan ku yimid.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in u yeerista guddigaan sabab looga dhigey in cabsi madaxda sare ee dowlada Federaalka gaar ahaan Gudoomiyaha Barlamanka Somalia ka qabo in Madaxweynaha maaumlkaan cusub ku soo baxo Sharrif Xasan oo ah xildhibaan islmarkaana siyaasad ahaan isu hayaan afhayeenka aqalka Federaalka Somalia Jawaari.

Shariif Xasan ayaa horey u ahaan jirey Gudoomiyaha Barlamanka Somalia isaga oo dhamaadkii waqtiga KMG ah u tartamey doorashada Madaxweynaha Somalia balse ku guuldareystey.

Amarka uu Ra'iisul Wasaaruhu soo saaray ee la xiriira dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed wuxuu kuso aadayaa xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud balse ku kasbanayo kalsoonida Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Jawaari.

Shirka Baydhabo oo si rasmi ah maalmo kahor Madaxweynuhu u furay waxaa weli diidan qaar kamid ah siyaasiyiintii wax ka dhisay maamulka goboleedka loogu magacdarey inuu ka kooban yahay lixda gobol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM