Ra'isal wasaaraha Somalia oo tacsi u diray dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta

Image

19 September, 2015(GO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweyne ku-xigeenka ahna Ra’iisul wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta oo wiilkiisa Sheekh Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum uu ku geeriyooday maanta magaalada Dubai.

"Innaa lillaahi wa inaa Illeyhi raajicuun, waxaa na soo gaartay geeri naxdin leh oo ku timid alle ha u naxariistee Sheekh Rashid, waxaana alle uga baryeynaa inuu janadiisa ka waraabiyo" ayuu yiri Sharmake. 

Sharmake ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii u ka tagay Shiikhu.

"Aniga oo ku hadlaya magaceyga, kan Xukuumada iyo midka Somaliyeed, waxaan si gaar ah halkan tacsi ugu dirayaa Madaxweyne ku-xigeenka ahna Ra’iisul wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Rashid iyo dhamaan qoyska, qaraabada iyo shacabka Imaaraadaha Carabta ee ka baxay" ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.

Shiikh Rashid waxaa dhalay madaxweyne ku-xigeenka ahna Ra'iisul wasaaraha dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM