Ra'isal wasaaraha cusub oo Arbacada Barlamanka hortagaya

Image

December 22, 2014 (GO)- Ra'isal Wasaaraha dhowaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacad Barlamanka hor tago si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.

Ilo-wareedyo ka ag dhow xafiiska Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa warkan u xaqiijiyey Garowe Online.

Wararka hoose ee GO heleyso ayaa tibaaxaya in badi xildhibaanadu codka kalsoonida siin doonaan Sharmaarke oo isagu horay ra'isal wasaare uga soo noqday dowladii kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Shiriif Sheekh Axmed.

Todobaad kahor ayey ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo magacaabay ra'isal wasaaraha cusub kadib markii horraantii bishan December Barlamanku kalsoonida kala noqday Ra'isal Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM