Ra'isal wasaaraha la magacaabi doono oo ka dagey Muqdisho

Image

Dec 16,2014 [ GO]- Waxaa saaka ka dagey magaalada Muqdishu Ra'isal wasaaraha Cusub oo la magacaabi doono Cumar Cabdirashid Cali Sharmake kadib markii uu kasoo dhoofey magaalada Nairobi.

Mud. Cumar oo garoonka diyaradaha magaalada Muqdishu kusoo dhoweeyeen dad isigu jira siyaasiyiin iyo Xildhibano ayaa loo gudbiyey Hotelka Al-Jazeera kasoo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdhso.

Garowe Online oo ahaa warsidaha Kowaad ee soo gudbiya xogta sheegaysa in Mud. Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake qaban doono xilka Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa fahansan in  dhici doono maalmaha soo socda.

Cumar Cabdirashid ayaa Aaabihiis Madaxweyne kasoo noqdey dalka Somalia 1964 halka isaga Ra'isal wasaare loo magacaabey 2009 balse is-casiley 2010 kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley Shiikh Shariif.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM