Ra'isal Wasaaraha oo bogaadiyey dadaallada nabadeytna G. Dhexe

Image

March 9, 2015 (GO)- Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo weli degmada Dhuusomareeb ku sugan ayaa bogaadiyey dadaallada nabadeynta ee ka socda Galguduud iyo weliba shirka loogu gogol xaarayo dhismaha maamulka gobollada dhexe [Galguduud iyo koonfurta Mudug].

Mudane Sharma'arke wuxuu lagama maarmaan ku tilmaamey in la helo heshiis buuxa oo dhex mara beelaha ku dhaqan gobollada dhexe, arrintaasoo -sida uu sheegay- asaas u noqoneysa xasillooni iyo nabad ka dhalata guud ahaan Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu xusey in iyadoo aan nabad le helin lagu guuleysan karin dhismaha maamulka gobollada dhexe. Siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqankana wuxuu ku boorriyey inay xil weyn iska saaraan sidii khilaafaadka jira xal dhameystiran loogu heli lahaa.

Dhanka kale, Ra'isal Wasaaraha ayaa ugu baaqay dowladda iyo hay'adaha samafalka in gargaar deg deg ah lasoo gaarsiiyo gobolka Galguduud, halkaasoo abaarta iyo colaad bilihii u dambeeyey ka aloosneynd kumanaan qoys ku barakaceen.

Wafdiga Cumar Cabdirashiid oo ay ku jiraan wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan waxay degmada Dhuusomareeb tageen labo maalmood kahor. Muddadii uu Dhuusomareeb ku sugnaa, Ra'isal Wasaaruhu wuxuu la kulmey qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ergooyinka ka qayb gelaya shirka loogu gogol xaarayo maamul-u-sameynta gobollada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM