Ra'isal wasaaraha Somalia oo ka hadlay shirkii Belgium [Dhagayso]

Image

24 Octobar, 2015(GO)-Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa ka hadlay lacagta dhawaan loogu yaboohay qaxootiga Somaliyeed ee doonaya inay dalkooda dib ugu laabtaan.

Sharmaake ayaa sheegay shirkii Belgium inuu ku soo dhammaaday guul, iyadoo lagu aruuriyay lacag gaaraysa boqolka milyan oo qeyb ka ah shan boqol oo loogu talagalay in muddo Afar sano ah lagu soo xareeyo.

Ra'isal wasaaraha oo la hadlay warbaahinta dowladda Somalia xilli uu ku sugnaa Muqdishu ayaa tilmaamay inay taabacsanyihiin shir saddex geesood ah oo dhexmaray dowladda Somalia, Kenya iyo hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR, kaasi oo qeexay in aan la khasbi karin qaxootiga balse la caawinayo shakhsiyaadka doonaya inay iskood ugu laabtaan Somalia.

Mar uu ka hadlay diyaar garowga ugu jiraan qaabkii dib u dajin loogu samayn lahaa dadka soo laabanaya ayuu xusay inay jiraan goobo la cayiman, balse ay muhiim tahay in loo abuuro jawi u saamaxaya soo laabashadooda, taasna dowladdu ugu jirto dadaal.

Qaxooti tiro badan oo Somaliyeed ayaa ku sugan dalalka deriska la ah Somalia, kuwaasi oo ku jira xaalad adag, waxayna ka carareen dhibka iyo dagaalada ka socda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM