Ra'isal Wasaare Sharma'arke oo looga tacsiyeeyey geerida hooyadiis

Image

February 12, 2015 (GO)- Guddomiyaha Barlamanka Dowlada Federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha ayaa uga tacsiyeeyey Ra'isal Wasaaraha Dowlada Federaalka geerida hooyadiis Ruqiyo Macalin Daahir oo ku dhimatey dalka Canada.

Jawaari ayaa uga baryey marxuumadda in Ilaah u naxariisto qoyskii ay ka tagteyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Si taas lamid ah waxaa Ra'isal Wasaare Sharma'arke ugu tacsiyeeyey xubnaha Golaha Wasiirada oo afkooda uu ka hadlayey Ku-xigeenka Ra'isal Wasaaraha Maxamed Cumar Carte.

"geeridu waa xaq, qof kastana waa dhimanayaa, waxaan la qaybsanaynaa murugada qoyska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana Eebe uga baryaynaa in Marxuumada uu jannaadiisa ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka geeriyootayna uu samir iyo iimaan ka siiyo" ayuu yiri Ra'isal Wasaare ku-xigeenku.

Maamulka iyo hawl-wadeenada Garowe Online waxay tacsi u dirayaan qoyska Ra'isal Wasaaraha iyagoo marxuumad Ruqiyo Macalin Daahirna Ilaah uga baryaya in uu janatul Fardowsa ka waraabiyo .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM