Ra'isal Wasaare Sharma'arke oo magaalada Garowe soo gaarey

Image

April 10, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta soo gaarey wafdi uu hoggaamiyo Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke.

Mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda Puntland, wasiirro, xildhibaanno, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Ra'isal Wasaaraha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale dadweyne tira badan oo ruxayey caleemo qoyan iyo calammada Puntland iyo Somalia ayaa taagnaa hareeraha jidka laamiga ee isku xira garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada.

Muddada Cumar Cabdirashiid Garowe ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo waxyaabaha ay kawada hadli doonaan madaxda Puntland iyo Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid, balse wararka hordhaca ah ee Garowe Online helayso ayaa tibaaxaya inay ugu muhiimsan yihiin Higisiga 2016-ka iyo maamulka la qorsheynayo in loo dhiso gobollada dhexe.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysey ee Cumar Cabdirashiid ku yimaado Puntland laga soo bilaabo markii xilka Ra'isal Wasaaraha loo soo magacaabey.

Faah faahin dheeri ah iyo sawirradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM