Ra'isal wasaarihii hore Norway oo Muqdishu tagay

Image

26 November, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Ra'ilsal wasaarihii hore Norway Kjell Magne Bondevik, ayaa maanta tagay magalada Muqdishu xarunta dalka Somalia isagoo kulan la qaatay mas'uuliyiin ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoomiyaha Barlamanka iyo ku-xigeenkiisa kowaad.

Kulanka mas'uuliyiinta ayaa salka ku hayay sidii looga wada hadli lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo qaabkii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud, ayaa tilmaamay in dalka Norway uu ka mid yahay waddamada hormuudka u noqday qaabkii Somalia loo hormarin lahaa, wuxuuna xusay inay muuqdaan mashaariicda dalka ka fuliyeen.

Kjell Magne Bondevik, Ra'isal wasaarihii hore Norway oo hadda madax ka ah hay'ad lagu magacaabo Oslo Centre for Peace and Human Rights, ayaa Somalia ku ammaanay hormarka ay ka samaysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, wuxuuna sheegay Kjell inay hay'addiisu kaalin ka qaadan doonto hormarinta dimuqraadiyadda iyo dhismaha hay'addaha siyaasadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM