Ra'isul Wasaaraha oo la kulmay wakiillo ka socda beesha caalamka

Image
Image
Image
Image

December 19, 2014 (GO)- Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa saaka kulamo salaan iyo hambalyo isugu jira la qaatay safiirrada Djabouti, Turkiga iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya. 

Safiirrada ayaa  soo gaarsiiyey Ra'isal Wasaaraha hambalyo ay ka sideen madaxda dalalkooda iyo xooghayha guud ee QM , waxayna  ballan qaadeen in ay sii xoojin doonaan xiriirka ka dhaxeeya dalalkooda iyo dowlada Soomaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aadan xaaladda wadanka iyo weliba qaabka ugu haboon ee xukuumada lasoo dhisi doono iyo caalamku u wada shaqeyn karaan.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Cumar C/rashiid ayaa uga mahadceliyay safiirrada dhambaallada hambalyada ah ee ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada xoogan ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xukuumadda uu soo dhisi doono xoojinayso cilaaqaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM