Ra'isul wasaare Sharmake oo ka hadlay dhismaha ciidan Qaran [Dhagayso]

Image

03 Octobar, 2015(GO)-Ra'isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa sheegay in dowladda Somalia muhiimada siinayso dhismaha ciidanka Qaran oo diyaarintiisu socoto.

Sharmake, waxa uu tilmaamay ujeedka ciidanka inuu yahay sidii Somalia looga saari lahaa xasilooni darada, isku fillaana u heli lahaayeen Xukuumadda iyo shacabka Somaliyeed.

Arrintan ayuu tilmaamay inay u baahantahay taageero caalami ah oo isugu jirta, qalabayn iyo tababaro.

Ra'isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid oo la hadlay VOA-da ayaa tilmaamay inay jiraan mushahaar la'aan haysata ciidanka Somaliyeed, balse haatan ay ku dadaalayaan sidii xuquuqdooda u heli lahaayeen isla markaana loogu samayn lahaa xeryo ciidanku ku jiraan oo aysan noqon kuwa u hoyda guryahooda.

Dhaqaalaha dalka Somalia ayuu xusay inay doonayaan qaabkii kor loogu qaadi lahaa, si meesha looga saaro kharasha la'aan jirta

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM