Rag faafinayay mad-habka Shiicada oo Muqdishu lagu soo bandhigay

Image

27 December, 2015(GO)-Warsaxaafadeed kasoo baxaya hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka Somalia (NISA), ayaa lagu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen labo nin oo faafinayay mad-habka Shiicada.

Raggan oo lagu kala magacaabo Muxsin Xuseen iyo Ruuxu Allaah Qulaam Muxsin ayaa NISA xustay inay mas'uul kayihiin hay'ad lagu magacaabo Al-khumayni taaso Muqdishu kawaday barnaamij Shiicaynta bulshada Somaliyeed iyadoo huwan shaadiga mashaariic hormarineed.

Labada nin oo lasoo bandhigay Passport-kooda ayaa katirsan safaaradda Iran ee magalada Xamar, waxaana hay'adda nabad sugidda Somalia sheegtay in muddo ku raad joogeen barnaamijkaas.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu muujiyay inay jiraan dhalinyaro Somaliyeed oo lagu shubay mad-habka Iran wadday, waxaana jira kuwa kale oo loo qaaday dalkaasi si looga soo dhaadhiciyo afkaarta Shiicada, iyadoo NISA sheegayso inay khatar ku tahay falkani caqiidada suuban ee dadkeenna iyo amniga Somalia.

Waxaa sidoo kale hay'addu caddaysay in barnaamijkan fududayntiisa loo maro qaab waxbarasho iyadoo dhalinta lasiinayo deeqo bilaash ah oo dalka Iran Jamacado loogu diray.

Qoraalka oo ku saxiixay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir Korneel Cabdixakiin Axmed Farey ayaa lagu muujiyay inay jiraan howl gallo mas'uuliyiinta Iran gaar ahaan safiirka u jooga Somalia ku tagay degmooyin katirsan magalada Muqdishu isagoo faafinay mad-habkaas.

Degmada Qardho iyo deegaano kale oo ku yaalla gobollada dhexe dalka ayaa warsaxaafadeedka lagu xusay inay ka jiraan falal lagu baahinayo Shiicaynta shacabka Somaliyeed ee Sunniga ah.

Saraakiil katirsan dowladda Somalia ayaa hay'addu sheegtay inay ka qayb qaadanayaan fududaynta hawshan, waloow NISA aysan sheegin halka ay joogaan iyo xilalkooda.

Arrintan shaac-baxeeda ayaa ku soo beegantahay xilli dhawaan sababo amni iyo faragalin diimeed looga digay u xafladaynta ciidda Cirismaska in lagu qabto magalada Muqdishu xarunta Somalia, kadib awaamiir kasoo baxday wasaaradda cadaaladda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Muqdishu waxaa ka jira hay'addo badan oo huwan magacyo gar-gaar, balse wada arrimo kale oo ka fog midda madaxda Somalia iyo shacabka loo sheegay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jubaland oo si kulul u cambaareysay faragelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo

Xaaladda gobolka Gedo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-10-2025

  • 08:32AM

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Charles King

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-10-2025

  • 11:06AM