Ra'iisal Kheyre oo ku dhawaaqaya Golahiisa Wasiiradda

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqo Golahiisa Wasiirrada, waxaan kasoo muuqan doono wajiyo aan ku cusbayn Siyaasadda dalka.

Illo wareedyo ku sugan Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Golaha Wasiirada cusub ay ka kooban yihiin 26 xubnood, oo Labo ilaa saddex kamid ah yihiin Haween.

Xogaha aan helayno ayaa waxay sheegayaan in Shaqsiyaad hore ugu soo jiray Siyaasadda, oo uu kamid yahay Yuusuf Garaad, Ergayga Somalia ee QM loo magacaabayo xilka Wasiirka Arrimaha dibadda.

Madaxda maamulka dalka, ayaa si aad ah ugu muransanaa maalmahan qeybsiga Wasiirrada Maaliyadda, Gaashaandhigga, Arrimaha Dibadda, Gudaha, iyo Amniga, kuwaasi oo ah Wasaaradaha ugu muhiimsan xukuumadda lasoo dhisi doono.

Magabaacista Golaha Wasiirrada Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa ka haray mudo 10 maalmood ah, waxaana Baarlamaanka uu ka codsaday inuu soo dedejiyo, si Xildhibaanada ugu ambabaxaan deegaanadooda.

Madaxweynaha Somalia Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu u safro dalka Kenya, waxaana la filayaa inta uusan dalka ka dhoofin Khamiista soo aadan lagu dhawaaqo Golaha Wasiirrada dalka.

Tallaabada magacaabista ayaa noqonaysa tijaabada ugu horaysa ee uu marayo Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM