Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kormeeray xarumo dowladeed [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaraddaha dowladda ee ku yaalla magaalada Muqdishu.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa mid mid u galay xafiisyada xarumaha Warfaafinta, Kalluumeysiga, Isgaarsiinta Haweenka iyo xaquuqul insaanka, waxa uuna mid mid u wareystay agaasime waaxeedyada, waxa uuna ka wareystay horumarka iyo caqbadaha howlaha shaqada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda Haweenka, isaga oo ku kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda haweenka Samra Ibraahim Cumar iyo agaasimaha Guud ee wasaaradda.

Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay ujeedka socdaalkiisa, wuxuu sheegay inuu hubinayo sida qaranka loogu adeegayo.

“Sababta aan sida kediska ah idiinkugu soo booqday waxay tahay inaan hubiyo Hannaanka shaqada ee Wasaaradahan, waxaana si joogto ah booqasho ugu imaan doonaa dhamaan xarumaha Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee fulinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Intii uu ku guda jiray kormeerkan howleed, Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa tagay xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha, isaga oo xafiiskiisa ugu galay Wasiirka Warfaafinta Ing. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

“Shaqaalaha Wasaaradaha waxaa laga rabaa inay kordhiyaan wax soo saarkooda iyo howlohooda shaqo, xukuumadeyduna waxay ku dadaaleysaa inay helaan xaquuqdooda iyo agabka shaqada si loogu sahlo Hannaanka shaqada,” Ayuu yiri Khayre.

Booqashadan ayaa qayb ka noqonaysa kuwo uu horay u sameeyay Ra’isal wasaaraha Somalia tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, wuxuuna dhawan sidaan oo kale u tagay dekedda magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM