Ra'iisal wasaare Kheyre oo la kulmay Keating

Image

MUQDUSHU, Somalia - Ra'iisal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating.

Kheyre iyo Keating ayaa shirkooda uga hadlay abaaraha, Gurmadka shacabka, amniga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Daah-furnaanta xukuumada cusub ee dalka.

Michael Keating ayaa u xaqiijiyay Xasan Cali Kheyre in beesha caalamka iyo QM ay taageero ka siinayaan dowladda sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha hor yaalla.

"Maadama la dhisay Gollaha wasiirrada, waa in dowladda cusub ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira guud ahaan dalka Somalia, oo abaaraha, amniga iyo musuq-maasuqa kamid yihiin," ayuu yiri Keating.

RW Kheyre ayaa uga mahadecliyay Keating taageerada uu u muujiyay, isagoo xusay in gollaha wasiirada cusub ay la imaan doonaan waxqabad iyo hufnaan, si looga dhabeeyo himilada Shacabka Soomaaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM