Ra'iisal Wasaare Kheyre oo Su'aalo laga weydiiyay Dhisamaha Ciidanka Qaranka

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan Su'aallo la xiriira amniga Qaranka lagu weydiinayay Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Somalia ayaa xalay ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, ee magaalada Muqdishu.

Kheyre, oo ay wehliyeen wasiirka difaaca iyo  wasiir ku xigeenka Amniga ayaa sharaxaad ka siiyay Gudiyada difaaca iyo amniga Barlamanka Qorshaha loogu magac-daray "Qaabaynta Amniga Qaranka", kaasi oo muran ka taagnaa maalmihii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa ka qeyb-galay barnaamijkaas.

Dood dheer kadib, waxay mas'uuliyiinta isku afgarteen in labada Guddi ee difaaca iyo amniga ay soo diyaariyaan warbixin la xiriirta dhisamaha ciidanka xoogga, islamarkaana la horgeeyo Shirka Gollaha wasiirada maanta.

Gollaha wasiirada ayaa la filayaa inay Kulankooda Khamiislaha ah uga doodaan qorshaha dhisamaha ciidanka, iyadoo kadibna loo gudbin doono Barlamanka kahor inta uusan xirmin kal-fadhigiisa hada socda.

Xildhibaanada Gollaha shacabka ayaa dood ka keenay todobaadkan Heshiiskii ay Muqdishu ku gaareen bishan madaxda dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada ee ku aadan dhismaha ciidanka Qaranka.

Hishiiskaas ayaa loo fasiray inuu yahay mid lagu bur-burinayo awoodda ciidanka xoogga dalka Somalia iyadoo taas badalkeeda la samaynayo ciidamo ay leeyihiin maamul goboleedyada Somalia oo suga amniga goobaha ay joogaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM