Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay Switzerland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta u ambabaxay dalka Switzerland xilli xiisad siyaasadeed ay wali ka taagan tahay magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, ayuu Khayre ku sheegay inuu magaalada Davos ee Switzerland uga qeybgali doono Shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka [World Economic Forum].

"Waxaan hogaaminayaa wafdi ka qeybgalaya Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee ka furmaya Davos, Switzerland oo 3 maalmood socon doona," ayuu ku yiri RW Khayre qoraalka.

Waxa uu intaasi ku daray Ra'iisul Wasaaraha in socdaalkiisa uu ka dambeeyay casuumaadda uu ka helay hay'adda soo qaban-qaabisay Shirka [World Economic Forum], kaasi oo ay ka qeybgalayaan hogaamiyaal kale oo ka socda qaaradda Africa.

Safarka Khayre ayaa kusoo beegmaya xilli mudo bilooyin ah banaan yihiin Wasaarado ka tirsan Xukuumadiisa, iyo xilalka Taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida, oo shaqada ka eryay kadib qaraxii Zoobe, 14-kii Oct.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM