Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u safray dalka Ethiopia

Image

MUQDISHU, Somalia – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa, ee Caasumadda dalka Ethiopia.

Wafdig Ra’iisul Wasaaare Kheyre oo ay ku jiraan dhowr Wasiir, Xildhibaano iyo madax kale oo katirsan dowladda ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan Shirka 29-aad ee Ururka Midowga African.

“Waxaan maanta u safrayaa magaalada Addis Ababa, si aan uga qeybgalo Shirk 29-aad ee Midowga Africa,’ ayuu ku yiri Mudane Kheyre Bogga Twitter-ka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Shirka Midowga Africa oo furmaya 4ta bishan ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo ay kamid yihiin dhobaatooyinka ka taagan dalalka Geeska African, oo Xaalada amni ee Somalia ugu horeyso.

Waa markii labaad oo Ra’iisul Wasaraha Somalia safar uu ku tago dalka Ethiopia tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xilka u magacaabay dhamaadkii bishii February, ee sanadkan 2017-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM