Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka Somaliya oo xilka ka qaadey labo Wasiir

Image

MUQDISHU, Somaliya- Madaxweyne  Xasan Sheekh ayaa soo saarey Xeer uu ku aqbaley xil ka qaadis Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka ku sameeyey Labo Wasiir islamarkaana ku magacaabey xubno kale kuwasoo buuxin doona xilkaan mudada 60-ka cisho ah ee ka dhiman doorashada Somaliya.

Wasiirada xilalka laga qaadey ayaa kala ah Marwo Khadra Bashiir Cali, wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamad, wasaarada caafimaadka.

Wasiirada waxbarashada Khadra Bashiir Cali ayaa wararka sheegayaan in xilkaan laga qaadey kadib markii ay lasoo gudboonaatey xaalad caafimaad halka Wasiirada wasaarada caafimaadka Xaawo Xasan xilkaan lagaga qaadey kadib markii cabashooyin ka yimaadeen mashaariic hay'adaha caalamiga siiyeeen wasaradaas.

Xubnaha kale ee xilalkaan buuxiyey ayaa kala ah Xildhibaan Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo loo magacaabey wasaarada waxbarashada halka wasaarada caafimaadka loo magacaabey Maxamad Xaaji Cabdinuur.

Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa horey wasiirul dowle uga soo noqdey wasaarada qorsheynta Puntland halka Maxamad Xaaji Cabdinuur walaalo yihiin Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Xil ka qaadista Wasiirada dumarka ah ayaa ku soo beegmeysa xilli madaxda Somalia ku heshiiyeen in haweenka Somaliyeed Barlamanada la dooran doono laga siiyo saami ah 30%.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM