​Ra'isal Wasaaraha Somalia oo booqday deegaanka Goob-weyn [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Wafdi ay hogaaminayaan Ra'isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday deegaanka Goob-weyn halkaas oo ay ku nool yihiin dadweyne farabadan oo isugu jira beeraleey, Xoolo dhaqato, iyo kaluumaysto.

Goob-weyn oo katirsan gobolka Jubbada hoose ayaa ku taalla duleedka magaalada Kismayo.

Mas'uuliyiinta heer Federaal iyo maamul goboleed ayaa goob fagaare ah kula hadlay shacabka deegaankaas oo soo dhaweyn ballaarsan u sameeyay.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dadka Goobweyn ku nool ay yihiin kuwa ugu roon marka loo eego kuwa ku nool meelaha ay wali ka taliyaan Al-Shabaab balse ay la'yihiin tageeradii Dowlada Federaalka wax walba oo ay Jubbaland samaysayna ay wali taageero dheeraad ah u baahan yihiin.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in maalinta barri ah deegaankan imaan doonaan mas'uuliyiinta degmada Kismayo oo ay hoos tagto si ay ugu qaybiyaan rashin dowlad goboleedka Jubbaland ugu talo gashay.

Ra'isal wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in deegaanka uu yahay meel ku wanaagsan maalgashiga, maadama ay tahay goob aad u qurux badan, wuxuuna ganacsatada Somaliyeed ugu baaqay inay ka fa'iidaystaan khayraadka waddanka.

Wuxuu shacabka ugu baaqay inay dowladda la sheegayaan maadama xukuumaddu ku howlan tahay soo celinta Karaamadii Somalia ku lahayd dunida.

Wafdiga Ra’isal Wasaaraha ayaa sidoo kale tagey Jaamacadda Kismayo oo xarun u ah Ciidanka Isku dhafan ee Dawladda, waxana uu kula dar-daarmay in laga shaqeeyo danta guud, ciidankuna ay u diyaar garoobaan sida deeganada ay maamulaan shabaab looga xoreyn lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM