Ra’isal wasaaraha Somalia oo booqday Garas Baaleey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kormeer ku tagay deegaanka Garas Baaleey oo dhaca duleedka Muqdishu, halkaasoo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay gobollada dalka ee ay abaaruhu saameeyeen.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in mar walba la garab istaago dadka dhiban ee abaartu ku dhacday, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda ay gacan siin doonto, isla markaana looga baahan yahay shacabka iyo guud ahaan cid walba oo awooda in la caawiyo dadkan dhiban.

“Maanta waxaan halkan u nimid in dareenkeena aan la wadaagno walaalaheena soo barakacay ee dhulkii ay daganaayeen ku dhufatay abaartu, waxaan ku jirnaa xili adag oo u baahanahay dhammaanteen in gurmadka aan ka qeyb qaadano haddii ay tahay Xukuumadda iyo golleyaasha kale ee Baarlamaanka. Waxaa ilaa iyo maalintii aan dirnay baaqa na soo gaaray gurmad fara badan, laakiin waxaan xaqiijinayaa gurmadka na soo gaaray iyo dhibaatada jirta in ay aad u kala badan yihiin,” Ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyey goobaha ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah iyo meela cuntada loogu kariyo, wuxuuna uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir kaalinta ay ka qaadanayaan taakuleynta shacabka dhiban.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in dhowr goobood oo kala duwan loo diyaariyey dadka  kasoo barakacay isla markaana Maamulku uu diyaar u yahay kaalinta uga aadan gurmadka walaalaha Soomaaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM