​Ra'isal wasaaraha Somalia oo tacsi ka diray geerida Gen. Caarre

Image

Muqdisho, July 24, 2016- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Janaraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caare), oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Janaraalka ayaa ka mid ahaa saraakiishii sar sare ee Xooga dalka, waxaana muddooyinkan uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.

“Janaraal Caare waxa uu ahaa shaqsi naftiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba u huray sidii loo horumarin lahaa Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, dib u dhisna loogu sameyn lahaa,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska marxuumka, isaga oo dhanka kale alle uga baryay marxuum Caarel inuu janadiisa geeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM