Ra'isal wasaaraha xilku Ka dhamadey oo ku wajahan Puntland

Image

MUQDISHU, Somalia- Warar warsidaha GO  ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra'isal wasaraha xilku ka  dhamadey islamarkaana ah musharax u taagan doorashada maaxweynaha Somalia ku wajahan yahay maalmaha soo socda gobolada Puntland. 

Wararkaan ayaa sheegaya in safarka Cumar Cabdirashid salka ku hayo ololaha doorashada loogu jiro tartanka madaxwynaha Somalia kasoo dhici doona dabayaaqada sanadkaan.

Ilo ku dhow xafiiska Ra'isla wasaraha xilka kaga ekaa September 10, 2016 ayaa sheegaya in booqashadaan sidoo kale ku saabsan tahay sidii Cumar Cabdirashid u heli lahaa xubin kursiga aqalka sare ee Barlamanka Federaalka ah.

Booqashada Cumar Cabdirashid ayaa ku soo beegmeysa xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland siyaasiyan tageerayo Xasan  Shiikh in dib loogu doorto xafiiska Madaxweynaha Somalia. 

Booqasho tan lamid ah ayaa wararka kale ee laga helayo Villa Somalia xusayaan in madaxweynaha xilku ka  dhamadey Xasan Shiikh ku tagayo Puntland asbuucyada soo socda.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM