​Ra'isal wasaare Sharmake oo booqanaya Dhuusomareeb

Image

Ra'isal wasaraha dowladda Federalka Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, ayaa maanta oo sabti ah la qorshaynayaa inuu tago degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, halkaas oo kulan kula qaadan doono madaxda maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo ka taliya qaybo kamid ah gobolkaasi.

Safarkan oo ah mid aan horay loo sii qorshayn ayaa xogta soo gaaraysa Warsidaha Garowe Online, sheegaysaa in kulankan ahmiyaddiisu tahay sidii culimaa'uddiinka Ahlusnna looga qancin lahaa tabashooyinka dhanka dowladda Federalka iyo xallinta khilaafka kala dhaxeeya maamulka Galmudug.

Waxay sidoo kale la sheegay inay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira amniga, siyaasadda iyo hormarka.

Socdaalka Sharmake, ayaa kusoo aadaysa xilli muddo soo taagnaa khilaafka ka dhaxeeya labada maamul ee ka taliya gobollada dhexe, waxaana maamulka Dhuusomareeb si aad ah u diidanyahay Galmudug oo sannadkii hore degmada Cadaado lagu dhisay.

Bilo kahor, waxaa booqasho sidaan oo kale ah ku tagay guddoomiyaha Barlamanka Somalia, wuxuuna wadahadal la yeeshay Ahlusunna kaasi oo la xiriira khilaafka Galmudug, balse waxa arrintaasi kasoo horjeestay maamulka Cadaado, oo guddoomiyaha ku eedeeyay inuu kala qaybinayo shacabka labada dhinac islamarkaana burburinayo dadaalka ay wadday xukuumadda Somalia.

Ammaanka Dhuusomareeb, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana socota qaban qaabo ku aadan safarka Ra'isal wasaare Sharmake.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM