Rasaas lagu furay dad dibadbaxyo ka dhigayay Baladweyne

Image
Image
Image

JOWHAR, Somalia- Dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda Federaalka Somalia, sidoo kalena lagu taageerayoo maamulka HirShabelle, ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan go'aankii dowladda dhexe uga mamnuucday Diyaaradaha qaadka inay ku degaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar.

Wararka aan ka helayno gobolka Hiiraan waxay sheegayan in ciidamada dowladda ay rasaas ku fureen dibadbaxaal isagu soo baxay Beledweyne, islamarkaana ay dhaawacmeen dhowr qof oo shacab ah.

Taliye ku xigeenka Booliska Beledweyne Nuur Xasan Bidaar ayaa sheegay in labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen rasaasta lagu furey dibadbaxayaal taageero u muujiyay dowladda Federaalka Somalia.

Wasiirka Warfaafinta HirShabelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa xaqiijiyay dibadbaxyada ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kuwaasi oo uu sheegay in looga soo horjeedo dowladda Somalia.

Magaalooyin kale oo kamid ah HirShabelle sida Balcad, Buuloburde iyo Mahadaay ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhaceen banaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda dhexe.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa dhawaan sheegay inuusan aqbali doonin go'aanka dowladda dhexe uga joojisay diyaaradaha qaadka inay ku degaan Garoonka magaalada Jowhar.

Cosoble ayaa xusay in maamulkiisa uusan aqbali doonin cunaqabateynta dhaqaale ee lagu soo rogay deegaanada maamulkiisa.

Dibadbaxyadan ayaa la rumaysanyahay inay dabada ka riixayso xukuumadda Jowhar, taasoo muddooyinkii dambe aad u dhaliilaysay dowladda Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM