Rayid lagu dilay Soomaaliya oo magdhow loo dalbay

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka waa in uu magdhow siiyaa dadka waxyeeladdu kasoo gaartey howlgaladiisa dhanka cirka kahor inta uusan ciidamadda kala bixin Soomaaliya, sidda ay ku tartarsiisay hay'adda Amnesty International.

Kadib asbuucyo hadalheyn badan jirtay, wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa 4-tii December waxay shaacisay in horaanta 2021 loo wareejin doono askarta Ameerikaanka ah wadamada Jabuuti iyo Kenya.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay Amnesty, bixitaanka ciidanka Mareykanka aysan soo afjari doonin howlgalada uu ka fulinayo Soomaaliya si gaar ah duqeymaha ay rayidka ku dhintaan kuma dhaawacman.

"In ciidamada dhulka ee Mareykanka ay ka baxaan Soomaaliya iyo hadii kale, AFRICOM waa in ay si deg deg ah u hirgalisaa istiraatiijiyad lagu hubinayo in aysan ka tagin wax horumar ah oo laga sameeyay la xisaabtanka falalka militari ee Mareykanka - oo ay ku jirto warbixintooda ku saabsan eedeymaha waxyeelada rayidka," ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Amnesty International ee bariga iyo Koonfurta qaaradda hodaka ah ee Afrika.

Muchena ayaa ku daray: "Iyadoo aan loo eegin inay sii joogaan iyo haddii kale, AFRICOM weli waa inay hubisaa caddaaladda iyo magdhawga dhibbanayaasha rayidka ah ee loo geystay xadgudubka shuruucda caalamiga ah ee bani'aadamnimada iyo qoysaskooda. Haddiise duqeymaha ay sii socdaan, AFRICOM waa inay hubisaa inay qaaddo dhammaan taxaddarrada suurtagalka ah si loo badbaadiyo shacabka".

Tan iyo markii Madaxweyne Trump uu xukunka qabtay 2017, AFRICOM waxa ay kordhisay dagaalka cirka ee ay ka waddo Soomaaliya, waxayna wadar ahaan qaadday 196 duqeyn cirka ah, iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa duulimaadka.

Sida laga soo xigtay NGO-ga Airwars, waxay kala yihiin 38 duqeymo cirka ah oo la fuliyey 2017; 48 la qaadey 2018; 61 howlgal oo la fuliyey 2019; iyo 49 kale oo talisku fuliyey tan bilowgii sanadkaan.

"Amnesty International waxay baaritaan ku sameysay sagaal duqeyn oo Mareykanku ka fuliyay gobollada Shabeellada Hoose, Galguduud iyo Jubbada Dhexe tan iyo sanadkii 2017-kii waxayna ogaatay in 21 qof oo rayid ah la dilay 11 kalena la dhaawacay, oo ay ku jiraan kuwa badan oo ka dhashay xadgudubyada muuqda ee sharciga caalamiga ee bani'aadamnimada," ayay la raaciyey qoraalkan nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.
Qoraalka ayaa la raaciyey: "Dhimashada rayidka ka sokow duqeymahan, iskahorimaadka ballaaran - ee kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ay ku hayso halista liddiga ku ah dadka rayidka ah - waxaa ku dhintay kumanaan rayid ah waxayna ku barakaceen boqolaal kun".

Ugu yaraan 295,000 oo qof, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ayaa ka tagay Shabeellada Hoose illaa iyo sannadkan, in badan oo ka mid ah waxay ka cararayaan colaadaha iyo amni-darrada.

Sidda ku cad warbixinta hay'addan u dooda xuquuqda aadanaha, Intooda badani waxay ku qaxeen xerooyinka dadka gudaha ku barokacay ee ku yaal gudaha ama nawaaxiga Muqdisho, halkaas oo ay halista ugu jiraan ku-takrifal iyo xadgudubyo ay ka mid yihiin tacaddiyada galmada Haweenka iyo carruurtu waxay si gaar ah ugu nugul yihiin xadgudub, faquuqid, iyo takoorid.

Laga soo bilaabo Abriil 2019, kadib baaritaanno ay sameysay Amnesty International, AFRICOM waxay qirtay inay ku dileen shan qof oo rayid ah oo Soomaali ah ayna ku dhaawaceen sideed kale afar duqeyn oo kala duwan. Balse qoysaska ama dhibbanayaasha midkoodna magdhow kama helin dowladdaha Mareykanka ama Soomaaliya.

Ka dib, bishii Abriil 2020, AFRICOM waxay daabacday qiimeyntii ugu horreysay ee saddexdii bilood noqoneysa kuna saabsan warbixinnada khasaaraha rayidka – taasoo ah talaabadii ugu horreeyay ee loo qaadey dhanka daahfurnaan in ka badan toban sano oo hawlgallo milatari ay ka wadeen Soomaaliya.

"Tallaabooyinkan soo dhaweynta ah waxay muujinayaan in, markii la wajaho warbixin lagu kalsoonaan karo oo xaqiiqda jirta ah - taas oo xoojineysa waxa qoysaska dhibbanayaashu ay muddo dheer goobayeen - AFRICOM waxay awood u leedahay inay baarto oo ay ka warbixiso khasaaraha shacabka. Hadda dowladda Mareykanka waa inay qaaddaa tillaabada xigta oo ay hubisaa in dhibbanayaasha xadgudubyada iyo qoysaskooda ay helaan caddaalad iyo aargudasho," ayuu hadalkiisa ku daray Deprose Muchena.

Mr Muchena ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay ahmiyadda ay leedahay in bixitaanka ciidamadda ee Soomaaliya aysan meesha ka saarin in ay magdhow ama cadaalad helaan qoysaska dadkooda kuwaayey duqeymaha Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM