Roob caruur ay ku dhinteen oo ka da'ay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Roob xooggan oo xalay ilaa saaka ka da'ayay Muqdisho, ayaa galaaftay nolosha afar caruur ah, oo kamid ahaa qoysas barakaciyaal ah oo ku nool magaalada Caasimada ah.

Roobka oo da'ay mudo 12 saacadood ah, ayaa ka dhashay fatahaad ku rogmatay xaafado badan, taasi oo cagta marisay guryo ka samaysnaa cowshado, oo ay deganaayeen shacab masaakiin ah oo kasoo barakacay abaarta iyo colaadda gobollada dalka.

Afarta caruurta ah ayaa ku dhintay Kaam Barakaciyaal ku nool yihiin oo ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen mas'uuliyiin maamulka degmada.

Biyaha fatahaadda waxay gooyeen wadooyin badan, oo saaka aan isticmaali karin gaadiidka, kuwaasi oo ay kamid tahay mida isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Wadooyinka Muqdisho ayaanan lahayn hadda duleeladii biyaha ka bixi jireen ee xilligii hore loo sameeyay (drainage system), kuwaasi oo ay baabi'iyeen Shirkad laga leeyahay Turkiga oo dib u dhistay wadooyinka qaar ee Muqdisho.

Wadada ka baxda Lambar Afar KM4 ee aada dhanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM