Rooble: Halheyska maanta waa doorasho haa, afgembi maya

Image
Taliyeyaasha ciidamadda qalabka sidda ee waddanka ayuu ku amray in ay ku shaqeeyaan hogaamintiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu ku adkeystay in xukuumaddiisa ay mas'uul ka tahay hogaaminta waddanka xilligan kala guurka ah.

Taliyeyaasha ciidamadda qalabka sidda ee waddanka ayuu ku amray in ay ku shaqeeyaan hogaamintiisa ayna iska indhatiraan fariimaha kaga imaanaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Talaabooyinka ka imaanaya madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey ayuu ku sifeeyay kuwa baalmarsan sharciga isku cad oo uu ku doonayo "in uu ku afgembiyo dowladda, dastuurka iyo sharciga".

"Ujeeddada Farmaajo waa in carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo  si sharci darro ah," ayuu hoosta ka xariiqay Rooble oo shir jaraa'id ku qabtey xafiiskiisa.

Farmaajo ayuu ku waaniyey in uu ka waantoobo u adeegsiga awooda dowladnimada musharaxinimadiisa iyo in uusan soo dhaafin doorka musharaxinimo ee haatan uu huwan yahay.

"Waan boobaa ama waan benedaa, sidaan rabo hala ii sameeyo ama dalka ayaan burburinaa ma aqbalayno. Halheyska maanta waa doorasho haa, afgembi maya," ayuu ka dhawaajiyey.

Dhawaqa Rooble ayaa kusoo aaday saacado kadib markii Madaxtooyadda Soomaaliya ay isku dayday in ay ka hor-istaagto Rooble in uu tago xafiiskiisa markii Farmaajo shaaciyey in uu shaqadda ka joojiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM