Rooble: Halheyska maanta waa doorasho haa, afgembi maya

Image
Taliyeyaasha ciidamadda qalabka sidda ee waddanka ayuu ku amray in ay ku shaqeeyaan hogaamintiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu ku adkeystay in xukuumaddiisa ay mas'uul ka tahay hogaaminta waddanka xilligan kala guurka ah.

Taliyeyaasha ciidamadda qalabka sidda ee waddanka ayuu ku amray in ay ku shaqeeyaan hogaamintiisa ayna iska indhatiraan fariimaha kaga imaanaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Talaabooyinka ka imaanaya madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey ayuu ku sifeeyay kuwa baalmarsan sharciga isku cad oo uu ku doonayo "in uu ku afgembiyo dowladda, dastuurka iyo sharciga".

"Ujeeddada Farmaajo waa in carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo  si sharci darro ah," ayuu hoosta ka xariiqay Rooble oo shir jaraa'id ku qabtey xafiiskiisa.

Farmaajo ayuu ku waaniyey in uu ka waantoobo u adeegsiga awooda dowladnimada musharaxinimadiisa iyo in uusan soo dhaafin doorka musharaxinimo ee haatan uu huwan yahay.

"Waan boobaa ama waan benedaa, sidaan rabo hala ii sameeyo ama dalka ayaan burburinaa ma aqbalayno. Halheyska maanta waa doorasho haa, afgembi maya," ayuu ka dhawaajiyey.

Dhawaqa Rooble ayaa kusoo aaday saacado kadib markii Madaxtooyadda Soomaaliya ay isku dayday in ay ka hor-istaagto Rooble in uu tago xafiiskiisa markii Farmaajo shaaciyey in uu shaqadda ka joojiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM